Home Wararka Caalamka Finland oo Sharuudo Cusub ku soo kordhisay Sharciga Dhalashada iyo kan Deganaansha

Finland oo Sharuudo Cusub ku soo kordhisay Sharciga Dhalashada iyo kan Deganaansha

0

Barlamaanka Dalka Finland ayaa Ansixiyay Sharci cusub oo ku saabsan Sharuudaha lagu qaato dhalashada wadankeeda kaasi oo hore u ahaa mid fudud.

Sharciyada Cusub waxaa kamid ah in la kordhiyo Sanadaha lagu qaato dhalashada Wadankaasi iyadoo laga dhigay 8 sano halka horey u aheyd 5 sano oo kaliya.

Dowlada ayaa sidoo kale ku guuleesatay isbadal lagu sameeyay Bixinta Deganaansha dalkaasi iyadoo laga dhigay Sharciyo ku meel gaar ah si lamid ah Sweden.

Qofka Walbo oo hela Sharciga wadankaasi Waxa uu helidoonaa 1 sano ama labo sano iyadoo la eegayo Sharciyada Midowga yurub.

Dowlada ayaa sidoo kale ku dhawaaqday in sharuudo lagu xirayo qof walbo oo dalbanaya Dhalashada Wadankaasi sida in uu imtixaan u galo Luuqada Wadanka.

Sida ay shaacisay Hay’ada Socdaalka Finland Sharciga Cusub ayaa bilaabanaya 1 October 2024

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here