Home Wararka Caalamka Faransiiska oo Mamnuucaya Dibad-baxyada lagu taageerayo Falastiin

Faransiiska oo Mamnuucaya Dibad-baxyada lagu taageerayo Falastiin

0

Wasiirka Arrimaha Gudaha Faransiiska Gerald Darmanin ayaa sheegay in uu booliiska ka dalabaday in ay mamnuucaan dibad-baxyada lagu taageerayo Falastiin, kuwaas oo la filayo in ay toddobaadkan ka dhacaan meelo ka mid ah Faransiiska.

Dibad-baxayaashan ayaa ka soo horjeeda duqaymaha ka socda dhulka Falastiiniyiinta ee go’doonsan ee Qudus iyo Daanta Galbeed.

Darmanin ayaa warbaahinta u sheegay in uu madaxa booliiska ku amray in la joojiyo dibad-baxyadaas, hase yeeshe ururada u dhaqdhaqaaqa arrimaha Flastiin ayaa sheegay in aanay dhag jalaq u siin doonin hadalka wasiirka.

Xaalada Falastiin ayaa ah mid Cakiran kadib Duqeynta Israel ay ka wado Halaasi waxaana jira dhimasho labada dhinac ah oo ka dhalatay Duqeymaha socda.

Somaliska London

Xigasho VOA somali

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here