Home Wararka Caalamka Fadeexad Musuqmaasuq oo ka taagan bangiga Nordea ee Norway

Fadeexad Musuqmaasuq oo ka taagan bangiga Nordea ee Norway

0

booliska Norway ayaa magaalada Oslo ku dhawaaqay in xabsiga loo taxaabay 5 qof, kuwaas oo lagu eedeeyay musuqmaasuq, iyadoo warbaahinta Norway ay kiiskan u aragtay fadeexad ka dhan ah bangiga.

Dadka la xiray ayaa labo ka mid ah waxa ay ka tirsan yihiin Bankiga, halka qaar kalena ay yihiin shaqaale ka tirsan Hay’adaha Dowladda, halka kan ugu dambeeyayna uu yahay shaqaale ka tirsan Maamulkaasi.

Sida uu sheegay TV-ga Norway, dadkan ayaa loo haystaa falal musuq-maasuq oo salka ku haya fududaynta bixinta amaahda dhaqaale ee bangiga iyadoo loo marayo dhexdhexaadin dadka ay ku adag tahay inay helaan amaah joogto ah, taas bedelkeedana ay dib ugu soo celiyaan dhaqaalaha.

Bangiga Nordea ayaa bixiyay lacag dhan 150 milyan oo lacagta Norway ah, taasoo ka dhalatay xarumahan, taasoo ay sameeyeen dadkii ku lugta lahaa fadeexadan, sida uu sheegay raadiyaha iyo telefishinka Norway ee NRK.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here