Home Wararka Maanta Faafaahin Qof looga shakisanyahay Dilkii ka dhacay Rinkeby oo la xiray..

Faafaahin Qof looga shakisanyahay Dilkii ka dhacay Rinkeby oo la xiray..

0

Booliska Sweden ayaa xiray qof looga shakisanyahay in uu ka danbeeyay dil dhawaan ka dhacay xaafada Rinkeby kaasi oo lagu dilay wiil dhalinyaro ah,

Booliska ayaana dhanka kale bilowgii bishan January waxay xireen qof kale oo asna looga shakisan yahay in uu ka danbeeyay dilkii ugu danbeeyay ee ka dhacay xaafada Rinkeby.

Waxay aheyd 8 January ee bishan markii wiil 25 sano jir ah lagu toogtay goob lagu iibiyo biisaha (pizzeria ) oo ku dhextaalo Bartamaha Rinkeby.

25 sano jirkaasi oo dhaawac ahaan loogu qaaday dhanka isbitaalka ayaana u geeriyooday dhaawaca soo gaaray sida la shaaciyay.

Boliska Sweden ayaana qeybta Websiteka waxay ku soo qoreen in qofka la qabtay lagu tuhmayo dilka.

inta lagu guda jiray jimcihii waxaa kaloo la xiray isla qof kale oo la tuhmayo lakin booliska ayaana wali faafaahin ka bixin baaritaanka socda.

Somaliska stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here