Home Wararka Denmark Eritrea kale oo isku Farasaaray Caasimada Denmark

Eritrea kale oo isku Farasaaray Caasimada Denmark

0

Booliska Copenhagen ayaa saaka go’aan ku gaadhay in la sii daayo inta hadhay 67 qof oo xalay loo xidhay xaflad ka dhacday magaalada Amager oo rabshado isu beddeshay kadib markii uu khilaaf dhexmaray Qowmiyada Eritreanka.

Xaflada ayaa ka dhacday deegaan ay ku nool yihiin dadka ka soo jeeda bariga Afrika ee Eritrea. Isla markiiba waxa soo baxay koox mudaaharaadyo ah, waxaanay taasi keentay in ay isku dhacaan iyaga iyo dadkii xafladda ku sugnaa.

Bilaysku ayaa ka warhayay inay khatar jirto, madama colaad baa ka jirta deegaanka Ereteriya, ayay tidhi taliyaha bilayska Trine Møller Sabtidii. Sidaa darteed, waxaa durba goobta ku sugnaa ciidamada booliska oo goobta soo gaaray 3-dii galabnimo, waxaana ay tuurayeen dhagxaan, taasoo keentay in ciidamada ay ku jawaabaan sunta dadka ka ilmeysiisa.

Markaa waxaa la xiray 67 qof  rabshado halis ah iyo khalkhal waddo. Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah dadka la xiray ayaa si degdeg ah loo sii daayay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here