Home Wararka Caalamka Erdogan: Macron wuxuu culeys ku yahay Faransiiska

Erdogan: Macron wuxuu culeys ku yahay Faransiiska

0
Photo by Adem ALTAN / AFP

Dagaalkii afka ahaa ee u dhaxeeyay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa wali socda.

– Macron wuxuu culeys ku yahay Faransiiska ayuu yiri Erdogan.

Erdogan wuxuu rajeynayaa in Faransiisku “ka takhalusi doono” Macron sida ugu dhakhsaha badan.

– Macron wuxuu culeys ku yahay Faransiiska. Macron iyo Faransiiska waxay marayaan xilli aad u qatar ah, Erdogan ayaa hadalkan ka sheegay Istanbul Jimcihii maanta, isagoo ka hadlaya mudaaharaadyada ka socda magaalooyinka Faransiiska.

Xiriirka u dhexeeya Turkiga iyo Faransiiska oo labaduba ka tirsan gaashaanbuurta NATO ayaa si gaar ah u xumaa bilihii la soo dhaafay. Ma ahan markii ugu horeysay ee faransiiska uu talaabo ka qaado xagjirnimada islaamiyiinta ka dib dhowr weerar oo lagu hoobtay oo ka dhacay dalkaasi.

Erdogan ayaa marar badan soo jeediyay in Macron la marsiiyo “baaritaano dhanka maskaxda ah” wuxuuna ugu yeeray shacabka Turkiga inay qaadacaan alaabada Faransiiska.

Turkiga iyo Faransiiska ayaa sidoo kale isku khilaafsan horumarka ka socda gobolka lagu muransan yahay ee Nagorno-Karabakh ee Azerbaijan. Gobolku wuxuu si ficil ah u yahay is-maamul waxaana ku nool dad reer Armenia ah oo ka go’ay Azerbaijan 1990-yadii.

Turkiga ayaa xulafo la ah Azerbaijan, halka Faransiisku uu door dhexdhexaadin ah ku leeyahay waxa loogu yeero Minsk group, oo isku dayay inay xalliyaan khilaafka tobanaan sano.

Erdogan ayaa su’aal ka keenay dhex-dhexaadnimada Faransiiska tan iyo markii Golaha Guurtida ee Faransiiska bishii la soo dhaafay ay qaateen go’aan aan khasab ahayn oo ugu baaqaya Faransiiska inay u aqoonsato Nagorno-Karabakh dal madax-bannaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here