Home Wararka Caalamka Elon Musk oo si rasmi ah ula wareegay Shirkada Twitter-ka

Elon Musk oo si rasmi ah ula wareegay Shirkada Twitter-ka

0

Elon Musk, ninka ugu hodansan adduunka ayaa kusoo gaba gabeeyay $44bn, oo u dhiganta (£38.1bn) oo uu kula wareegay shirkadda Twitter-ka, sida ay sheegtay warbaahinta Mareykanka iyo maal-galiyaha shirkadda.

Elon Musk waxa uu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray Elon, “Shimbirkii waa la sii daayay”, isaga oo tixraacaya sida muuqata heshiiska soo gaba gabeynta iibsashada shirkadda.

Tiro ka mid ah madaxda sare oo uu ku jiro madaxii, Parag Agrawal, ayaa lagu soo waramayaa in shaqada laga eryay.

Waxay soo gaba gabeyneysaa tallaabadani, kadib markii ay soo shaac baxday shirkada Twitterka oo maxkamad u gudbineysa dacwad ka ah, Elon Musk, si uu bilyaneerka aanu uga bixin shuruudaha heshiiska ee la wareegista shirkadda.

Twitter-ka wali ma aysan xaqiijin in lala wareegay, balse mid kamid ah maal-galiyeyaal hore oo shirkadda qeyb ka ahaan jiray ayaa sheegay in heshiiska la dhameeyay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here