Home Wararka Maanta Dukaamada oo xiliga Black Friday ka hor qiimaha sii kordhiya

Dukaamada oo xiliga Black Friday ka hor qiimaha sii kordhiya

0

Dukaamada Wadanka Sweden qaarkood ayaa qiimaha alaabta ay iibiyaan ku sameeya dalacaad ka hor inta aan la gaarin maalinta jimcaha madow oo alaab badan lasoo bandhigo.

Warabixin uu baahiyay talafashinka SVT ayaa lagu sheegay in shirkado badan ay qiimaha alaabtooda ay dalacaan ka hor maalinta jimcaha madow iyagoo maalintaasi dib qiimaha u soo dhimo lakin sida warbixinta lagu sheegay lacagta ayaanan waxba iska badalin madama inta lagu dalacay laga soo dhimay.

shalay ayay ku beegneyd maalinta jimcaha waxaana buux dhaafiyay dukaamada waaweyn dad badan kuwaasi oo doonaya in ay iibsadaan alaabta laga soo dhigay Half Pris ama qiimaha hore kala barkiisa.

marka la eego warbixinta Talafashinka SVT ma jirto baaritaan lagu sameeyay shirkadaha sidaasi sameeyo mana ahan markii ugu horeesay ee sidaasi la sameeyay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here