Aqalka sare ee baarlamaanka Britain oo aan la soo dooran ayaa dharbaaxo ku dhuftay isniintii qorshaha muranka dhaliyay ee dowladda ee ahaa in muhaajiriinta loogu diro Rwanda, iyagoo u codeeyay in dib loo dhigo ansixinta heshiiskii Kigali.
Talaabadan ayaa dhabarjab ku ah Raiisel wasaare Rishi Sunak , kaasoo ku booriyay Aqalka Sare inay meel mariyaan qorshaha, isagoo sheegay inay tahay rabitaanka shacabka.
Inta badan saaxiibada — 214 ka soo horjeeda 171 — ayaa u codeeyay in dib loo dhigo ansixinta heshiiskii ay London la saxiixatay Kigali ilaa ay dawladda Britain ka caddayso in Rwanda ay tahay waddan ammaan u ah muhaajiriinta lagu tarxiili doono halkaas.
Heshiisku waxa uu udub dhexaad u yahay siyaasadda xukuumadda muxaafidka ah ee lagula dagaallamayo socdaalka sharci darrada ah iyada oo magangelyo-doonka loo tarxiilo waddanka Bariga Afrika ku yaalla.
somaliska Uk