Home Wararka Maanta Dowlada Sweden oo siideesay Haweeney lala Xiriirinayo Kooxda Daacish

Dowlada Sweden oo siideesay Haweeney lala Xiriirinayo Kooxda Daacish

0
Foto Fedrik Sandberg / TT

Haweeney dib ugu soo laabatay Sweden kana soo jeedda deegaanka ay maamusho kooxda ISIS ee Syria, ayaa maanta la siidaayay, kadib markii maalmo ka hor loo xiray iyada oo lagu eedeeyay guur qasab ah.

Rina Devgon, oo ah dacwad oogaha guud ee waaxda qaran ee la dagaalanka abaabulka iyo dambiyada caalamiga ah, ayaa u sheegtay SVT in shakiga laga qabo haweeneyda 48 jirka ah ee dacwadan lagu soo oogay ay tahay, sababta loo siidaynayana ay tahay in aysan jirin sababo aan ku filnayn oo loogu siiheyn karo xabsiga ka dib marka la dhamaystiro habraacyada la socda iyada Sida ku xusan liiska xarigga, dambiga waxaa laga galay Suuriya waqti ka mid ah 2018.

Booliska ayaa haweeneydan ka qabtay bilowgii usbuucii hore garoonka diyaaradaha Arlanda, halkaasoo ay la timid iyada iyo labadeeda wiil kadib markii ay toddobaadyo ku xirnaayeen dalka Turkiga.

Haweeneyda oo 48 jir ah, kuna nooleed magaalada Stockholm, waxay u safartay 2011 waddanka Suuriya. Waxaa la rumeysan yahay in haweeneydaasi ay shan caruur ah ku laheyd dalka Siiriya, halkaas oo ay ku aqal gashay kuna umushay kahor intaan ninkeeda la dilin, mid kamid ah wiilasheeda ayaa ku dhintey dalka Siiriya halka labada kale ay wali ku sugan yihiin.

Waqtigan xaadirka ah, baaritaano horudhac ah ayaa laga fulinayaa Sweden iyadoo afar haween ah oo Swedish ah looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin ururka argagixisada ISIS ee Syria, kuwaas oo sanadkan yimid sweden

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here