– Waxeynu go’aaan ku gaarnay inaan codsi gargaar weydiisano wadamada ka tirsan Nato iyo kuwa is kaashiga la leh Nato, ayuu yiri ra’iisal wasaaraha.
Wasiirka cadaaladda iyo arimaha gudaha Morgan Johansson oo ka hadlaya wadamada balan qaaday iney caawiyaan Sweden wuxuu yiri:
– Turkiga ayaa balan qaaday iney gargaar diyaar la yihiin sidoo dalka Yukreyn ayaa isna sheegay innuu ka qeyb qaadanayo deminta dabka. Sidaa darteed waxeynu go’aan ku gaarnay in heyadda gargaarka iyo badbaadada bulshada ee ”MSB” awood loo siiyo ka howl-galka wadamada ka baxsan midowga yurub ee ka qeyb qaadanaya deminta dabka, ayuu yiri Morgan Johansson, wasiirka arimaha gudaha.
Dowladda ayaa midda kale go’aan ku gaartay ogolaashaha lacag gaareysa 25 milyan oo karoon oo loogu tala galay ururada bulshada ee ka qeyb qaadanaya deminta dabka. Waxaa lacagtaa dheer 300 milyan oo dowladdu u balan qaadday degmooyinka dabku ka aloosan yahay.
Waxa jirtay dhaleeceyn loo soo jeediyey heyadda MSB taasoo lagu eedeeyey inaaney u diyaar garoobin ka hor tagga dabka keymaha. Ra’iisal wasaare Löfven ayaa iska fogeeyey eedeyntaa.
– Ma garan dhaleeceyntaa sababtoo ah waxan kordhinay dhaqaalaha hey’adda MSB iyadoo mudadii aan xilka heynay kor loo qaaday tirada shaqaalaha. Waxan taageer sanahay hey’adda iyo hogaankeeda boqolkiiba boqol, ayuu yiri ra’iisal wasaaruhu.