Home Wararka Maanta Dowlada Sweden oo laga Codsaday joojinta Qaxootiga ay soo qaadato ee UNHCR

Dowlada Sweden oo laga Codsaday joojinta Qaxootiga ay soo qaadato ee UNHCR

0

Xisbiga Moderatka ayaa ka dalbaday dowladda Sweden in si deg deg ah loo joojiyo qaabilaadda qaxootiga Caalamka laga soo qaado si dalka uu u qoondeeyo dhammaan dadka ka soo cararay Ukraine.

Wasiirka isdhexgalka iyo soo galootiga Anders Ygeman ayaa shir jaraa’id oo uu shalay qabtay ku xaqiijiyay in ay degdeg tahay in laga hadlo in hadda la joojiyo qaabilaadda qaxootiga lasoo qaado, balse beddelka noocaas ah aan meesha laga saari karin hada.

“Haddii aynaan hadda culayska saarin qaadashada qaxoontiga kootada , waxaan yeelan doonaa awood aad uga sii xun si aan u caawino kuwa ka soo cararaya Ukraine,” Maria Malmer Sternergaard, oo ah afhayeenka siyaasadda socdaalka ee xisbiga Moderaterna, ayaa u sheegtay Expressen .

Qaxooti lasoo qaado waa qofka ka soo cararay dalkiisa oo ay u dooratay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR in loo ogolaado inuu u guuro waddan kale. Sida caadiga ah Iswiidhan waxa ay kootada ka heshaa 5,000 oo qaxooti ah sanadkii, sida ay sheegtay hey’adda socdaalka.

Wasiirka socdaalka ayaa carabka ku adkeeyay in aan meesha laga saari karin in la joojiyo qaabilaada qaxootiga ee nidaamka kootada, balse waxa uu carabka ku adkeeyay in taasi ay ku xiran tahay gabi ahaan tirada qaxootiga dagaalka Ukraine ee imaanaya Sweden.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here