Home Wararka Caalamka Dowlada Sweden oo go’an ka gaartay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka oo...

Dowlada Sweden oo go’an ka gaartay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka oo Xilkiisa Dhacayo

0
Foto: Marcus Ericsson, Henrik Montgomery / TT

Dawladdu ayaa go’aansatay in aan loo kordhin xilka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka, Michael Rebenvik, si uu xilka uga tago dhammaadka May ee soo socota.

Wakaalada Socdaalka ayaa warkan ku daabacday intranet-keeda “Dawladu waxa ay ii sheegtay in aanay kordhin doonin ballanta la ii magacaabay” ayuu yidhi Rebenvik.

Hadda waxa noo socda wadahadalo ku saabsan sidii dawladdu uga faa’iidaysan lahayd waayo-aragnimadayda si loo kordhiyo iskaashiga caalamiga ah.”

Rybnevik waxa uu 27 sano ka soo shaqaynayay waaxda socdaalka, isaga oo hayay jagada agaasimaha guud todobadii sano ee ugu danbaysay.

Seddexda xisbi ee dowladdu waxay ku heshiiyeen xisbiga Sverigedemokraterna (SD) in la adkeeyo siyaasadda socdaalka ee heshiiskii “Tido” ee lagu soo dhisay dowladda, kaasoo dhaliyay muran baahsan oo dalka ka dhacay, Rebenvik ayaa ku baaqay in laga digtoonaado in lagala noqdo degenaanshaha rasmiga ah oo loo beddelo mid ku meel gaar ah

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here