Home News in English Dowlada oo kordhineysa Lacagta Dulsaarka CSN-ta Sweden

Dowlada oo kordhineysa Lacagta Dulsaarka CSN-ta Sweden

0
Foto: Jessica Gow / TT

Ardayda wax ka barata Sweden ayaa loo ogolyahay lacag deyn ah oo ay dib u bixiyaan marka ay dhameestaan Waxbarashada.

Dowlada ayaa hada soo jeedisay hindise dhigaya in la kordhiyo lacagta dulsaarka ee CSN-ta iyadoo qofka qaata deynta oo la kulmayo dulsaar ka badan mida hada.

Tusaale lacagta Dulsaarka oo ah 0.05 boqolkiiba ayaa la kordhinayaa 0.5 Boqolkiiba sida uu dhigayo hindisaha cusub ee dowlada.

Qof walbo oo lacag deen ah qaatay wixii ka danbeeyay 1989 ayaa la dulsaaridoonaa lacagtani.

Durba waxaa jirta dhaleeceyn loo jeedinayo dowlada oo ku aadan in ardayda ay ku adkaaneyso qaadashada deyn taasi oo keeni karta in dad badan ay iska joojiyaan waxbarashada.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here