Home Wararka Maanta Dowlada oo kor u qaaday Lacagta caawinta guryaha ee (bidrag)

Dowlada oo kor u qaaday Lacagta caawinta guryaha ee (bidrag)

0
STOCKHOLM 20200812 Finansmarknadsminister Per Bolund (MP), hÂller en presstr‰ff om ytterligare Âtg‰rder med anledning av det nya coronaviruset. Regeringen, C och L satsar 2,2 miljarder kronor fˆr att st‰rka ‰ldreomsorg och sjukvÂrd i Âr och n‰sta Âr. Foto: Fredrik Sandberg / TT kod 10080

Dowlad ayaa kor u qaaday lacagta caawinta ama kaalmada ee loo yaqaano (bidrag) madama dad badan ay shaqooyinkooda ku waayeen xanuunka Corona waxana lacagta caawinta ee la kordhiyay helidoona qoysaska heesta caruurta badan.

Dowlada ayaa go’aamisay kordhinta lacagta kabida guryaha iyadoo gaarsiisay 1325 kr taasi oo looga hortagayo in aysan dadka lumin guryaha ay heestaan waxaa intaasi dheer dadka horay u heli jiray lacagta caawinta uma baahna in ay codsi sameeyaan si Automatic ah ayay lacagtooda u kordhidoontaa.

Dadka helaya lacagta kabida waxaa ku jira qofka hela lacag yar isagoo heesta caruur taasi oo sabab u aheyd dhibaatada ka dhalatay xanuunka corona sida lagu cadeeyay go’anka dowlada

Dowlada ayaa qorshahan ugu tala gashay lacag gaareysa 560 million waxana uu bilaandoonaa bisha july kowdeeda ilaa dhamaadka sanadkan waxana dowlada rajeeneysaa in ay yaraato halista ka imaan karta in dadka ay  waayaan guryahooda.

ugu danbeyn waxaa socota caawinta dowlada ay ugu tala gashay bulshada qeybaheeda kala duwan si looga kabsado dhibaatada ka dhalatay xanuunka corona.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here