Home Wararka Maanta Dowlada Norway oo Shaacisay Waqtiga uu Diyaarka yahay Shahaadada Corona

Dowlada Norway oo Shaacisay Waqtiga uu Diyaarka yahay Shahaadada Corona

0

Kaararka corona waxay u badan tahay inay diyaar u noqon doono isticmaalkiisa isbuuca dhexdiisa.

Wasaarada caafimadka ayaa kala shaqaynaysa FHI iyo agaasinka caafimaadka Norway si loo helo hab sharci iyo mid wax ku ool ah oo ku saabsan qorshahan.

“Waxaan rajaynaynaa inaan tan meel dhigno usbuucan dhexdiisa. Isla mar ahaantaana, waxaan ka shaqeyneynaa inaan eegno isticmaalka ballaaran ee shahaadooyinka corona ee heer qaran,” Wasaaradda Caafimaadka iyo Adeegyada Daryeelka ayaa ku qortay email.

Raiisel wasaare Jonas Gahr Støre (AP) ayaa u sheegay TV 2 in isticmaalka shahaadooyinka corona ee Norway ay diyaar noqon doonaan maalmo gudahood.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here