Home Wararka Maanta Dowlada Norway oo Fureysa Xabsi Caruurta loogu tala galay in lagu Xiro.

Dowlada Norway oo Fureysa Xabsi Caruurta loogu tala galay in lagu Xiro.

0

Granavolden-madashu waxay furaysaa goobo loogu talo galay in carruurta dambiyada gala looga xanibo dhaqdhaqaaqa.

Mas’uulka Frp u qaabilsan dhanka siyaasadda cadaaladda Solveig Horne ayaa u sheegtay wargeyska Vårt Landat in ay qabto in goobaha nuucaan ah ee hay’adda barnevernet ay yihiin lagama maarmaan.

– Waxaa jira 14 jiro gaysta carqalado iyo faraxumayn. Dhalintani waxay u baahan yihiin in loo jeexo xaduud adag iyo xamayn ayey tiri.

«Dowladdu waxay qiimaynaysaa in la sameeyo goobo ay leedahay barnevernet oo ay ku jiraan kuwa dhaqdhaqaaqoodu xadidan yahay, kuwaasoo lagu dabaqi karo dhalinta ka yar 15 sano ee gala dambiga culus ee dhib u gaysan kara naftooda ama cid kale» ayaa lagu yiri bayaanka afarta xisbi ee dowladda wada dhistay kalana ah Høyre, Frp, Venstre iyo KrF.

Wasaaradda cadaaladda ayaa horey u sheegtay inay ka shaqaynayso qorshe beddel u noqon kara dhalinyarada dambiyada gala iyo qawlaysatada.

Somaliska Oslo

Xigasho/nettavisen

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here