Waxaa Dalka ka dhacay mudaaharaadyo ballaaran oo looga soo horjeedo dib u habeynta, oo ay ka mid yihiin, in da’da hawlgabka laga dhigo 62 jir lana gaarsiiyo 64 iyo kordhinta muddada shaqo-helidda si loo helo hawlgab buuxa oo la gaarsiiyo 43 sano. Dawladdu ayaa rajeeneysa in Maxkamada Aqbasho.
– Dalku waa inuu sii wadaa inuu horay u sii socdo, ka shaqeeyo oo uu wax ka qabto caqabadaha na sugaya, Macron ayaa dhawaan sheegay booqasho qaran oo uu ku tagay Netherlands.
Ururada shaqaalaha iyo mucaaridkuba way ka digayaan oo waxay leeyihiin doodaha iyo mudaharaadyadu habeen qudha ma baabi’i doonaan, xataa haddii ay maxkamadda dastuuriga ahi ogolaato.
– Waa inuu ka noqdaa go’anka. Hadii kale ma awoodo inuu maamulo dalka, ayuu yiri hogaamiyaha cusub ee ururka shaqaalaha CGT oo hormuud ka ahaa dibadbaxyada.
Ku qanacsanaan la’aantu waxay khusaysaa ma aha oo kaliya nuxurka dib-u-habaynta, laakiin sidoo kale xaqiiqda ah in Macron uu isticmaalay qodob dastuuri ah si uu u riixo iyada oo aan codka kama dambaysta ah ee Golaha Qaranka la helin.