Ciidamada Ruushka ayaa sida muuqata isku dayaya inay hareereeyaan ciidamada dowladda ee ku sugan bariga Ukraine, sida ay sheegtay wasaaradda difaaca ee Britain.
Waxaan ka hadleynaa ciidamada dowladda Ukraine ee ka dagaalamaaya gobollada ay muddo dhowr sano ah qeyb ahaan maamulayeen fallaagada uu Ruushka taageero.
Ciidamada Ruushka ayaa ka dhaqaaqaya koonfurta aagga Kharkiv iyo waqooyiga magaalada la go’doomiyay ee Mariupol, warbixin kooban oo ka soo baxday wasaaradda gaashaandhigga Britain ayaa lagu sheegay subaxnimadii Axadda.
Jidadka hore ee waqooyiga Ukraine, dhinaca kale, waa xasilloon. Bayaan ka soo baxay ciidamada Ruushka ka hor dhamaadka todobaadka ayaa loo fasirtay in hadda wixii ka dambeeya ay xoogga saari doonaan duulaanka ka socda bariga Ukraine.