Home Wararka Caalamka Dowlada Australia oo soo saartay war ka Nixiyay muhaajiriinta ay Soomaalidu...

Dowlada Australia oo soo saartay war ka Nixiyay muhaajiriinta ay Soomaalidu kamid tahay

0

Dowladda Australia ayaa sheegtay in ay dhimi doonto kalabar soo galootiga labo sano gudahooda iyadoo isku dayaysa in ay hagaajiso nidaamka socdaalka.

Waxay qorsheyneysaa in ay hoos u dhigto qaadista ajaanibta ee sanadlaha ah ilaa 250,000 qiyaastii iyadoo la jaan qaadaysa heerarkii hore.

Xeerarka dalkugalka ee ardayda caalamiga ah iyo shaqaalaha xirfadaha ayey sidoo kale ku adkaan doontaa qorshaha cusub.

Wasiirka arrimaha gudaha Clare O’Neil oo daaha ka rogtay istaraatijiyad cusub oo 10 sano ah isla markaana la xiriirta socdaalka, ayaa sheegtay in dowladdii hore ay nidaamka socdaalka uga tagtay qaab xun.

Ilaa 510,000 oo qof ayaa gaaray Australia ilaa Juun 2023, laakiin wasiiraddu waxay sheegtay in dawladdeeda ay “gacanta kusoo celin doonto hab maamulkii socdaalka” ayna hoos u dhigi doonto safarrada sanadlaha ah ilaa 50%.

Tallaabooyinka cusub waxaa ka mid ah shuruudaha ugu yar ee luqadda Ingiriisiga ee loogu talagalay ardayda caalamiga ah, iyo baaris dheeraad ah oo ku saabsan kuwa codsanaya fiisaha labaad waa inay caddeeyaan in daraasad kasta oo dheeri ah ay horumarinayso hamigooda waxbarasho ama xirfadahooda.

Waxaa jira ilaa 650,000 oo arday ajnabi ah oo ku sugan Australia.

Siyaasadaha cusub waxay soo jiidan doonaan in badan oo ka mid ah shaqaalaha Australia.

Si kastaba ha ahaatee kuwa kale, sida Golaha Ganacsiga ee Australia, ayaa waxa ay sheegeen in soogalootiga loo isticmaalayo si qaldan, marka ay noqoto dhaqaalaha iyo deegaan ahaan intaba.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here