Home Wararka Maanta Doodii Barlamaanka oo Stefan Löfven lagu dhaliilay iyo Ulf Kristersson oo Ridista...

Doodii Barlamaanka oo Stefan Löfven lagu dhaliilay iyo Ulf Kristersson oo Ridista Dowlada diyaar u ah..

0

Dooddii ugu horeysay sanadka ee baarlamanka ayey ra’iisal wasaare Stefan Löfven dhaleeceyn uga timid laba dhinac.

Dooddii saaka dhex martey hogaamiyeyaasha xisbiyada iyadoo ay todobaad ka soo wareegtay dhismihii dawlad ka kooban xisbiyada Socialdemokraterna iyo Miljöpartiet iyagoo wada shaqeyn dhanka miisaaniyadda la galay xisbiyada Centerpartiet iyo Liberalerna.

Jonas Sjöstedt, gudoomiyaha xisbiga Vänsterpartiet ayaa dawladda eedeeyn kala hor tagay:

– Sidee bey kiradda guryaha oo la fasaxo, ama xuquuqda shaqaalaha oo hoos loo dhigo ku horseedi kartaa sinaanta bulshada, ayuu yiri  Jonas Sjöstedt.

Ra’iisal wasaare Stefan Löfven ayaa sheegay arintaasi in aaney sax aheyn isagoona sheegay in baaritaan la sameynayo ayna tahay in laga war dhowro.

Jimmie Åkesson, hogaamiyaha xisbiga SD ayaa isaguna ku eedeyey Stefan Löfven inuu ka baxay balamadi uu ku qaaday ololihii doorashada.

– Waxa hoos loo dhigay canshuurta tujaarta iyadoo isla markaana guryaha cusub lagu kireyn karo intii la doono. Sidee baan ku aamini karnaa xisbiga Socialdemokraterna iyo waxa ay balan qaadaan wakhtiga ay u ololeynayaan doorashada, ayuu yiri Jimmie Åkesson.

Dhanka kale Ulf Kristersson, gudoomiyaha Moderaterna ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu rido dowladda Stefan Löfven.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here