Home News in English Dood ka dhalatay Haweeney Sharci la’an ah oo ka Shaqeyn jirtay Guriga...

Dood ka dhalatay Haweeney Sharci la’an ah oo ka Shaqeyn jirtay Guriga Raisal Wasaaraha Sweden

0
Foto: Henrik Montgomery/TT

Waxay aheyd dhacdo soo soctay todobaadyadii ugu danbeeyay kadib markii Haweeney u dhalatay Dalka Nicaragua lagu qabtay guriga Raisal Wasaaraha Dalka.

Haweeneydan ayaa sharci la’an aheyd xiliga ay ka shaqeyn jirtay Guriga Raisal Wasaaraha Dalka Magdalena Andersson.

Booliska ayaa ogaaday arintaasi kadibna kasoo Xiray guriga iyadoo ku sugan waxayna shaqada ku jirtay mudo.

Dooda ugu badan ayaa ah Sababta ay ku dhacday in Qof sharci la’an ah uu halkaasi ka shaqeyo waxana Haweeneyda ay hada ku xirantahay qeybta Laanta Socdaalka.

Sida uu Qoray Joornalka Expressen Haweeneyda oo hada ku sugan Qebyta Socdaalka ayaa Fariin u dirtay Magdalena Andersson iyadoo ka codsatay in aan loo tarxiilin Dalkooda madama ay ka baqeyso in halkaasi lagu dilay.

Siyaasiyiinta iyo dadka kale ayaa ku doodaya in Wadanka uu halis ku jira madama Qof nuucaas ah uu ka shaqeynayo Hoyga masuulka ugu sareeyo Dalka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here