Home Wararka Maanta Diyaarada Norwegian Air oo dib u bilaabeysa duulimaadkeeda Dubai mudo kadib..

Diyaarada Norwegian Air oo dib u bilaabeysa duulimaadkeeda Dubai mudo kadib..

0

Shirkadda diyaaradaha ee Norwegian ayaa dib u bilaabaysa khadkii duulimaad ee Oslo iyo Dubai Dayrta soo aadan.

Laga bilaabo 28-ka oktober waxay shirkaddu samayn doontaa shan duulimaad todobaadkii, kuwaasoo ay ku tegi doonto magaalada Dubai, sida lagu xusay war saxaafadeed ka soo baxay shirkadda.

– Waa wax lagu farxo in dib loo bilaabo khadka Oslo- Dubai. Waxaan la kulmaynay danayn badan oo ka imaanaysay dadka u safraya oo codsanayey in dib loo soo celiyo khadkaas. Magaaladani waxay caan ku tahay u socdaalka dadka raba inay soo qoraxaystaan, isi soo kululeeyaan ama adeeg soo iibsadaan, waxayna ku haboon tahay saaxiibadda, labada isqaba iyo qoysaska carruurta wata ayuu yiri Thomas Ramdahl oo ah agaasimaha xagga ganacsiga ee shirkadda Norwegian.

– Waxaa laga joogaa saddex sano markii shirkaddu ay khadkan u wareejisay Oslo – Stockholm, ayuu yiri madaxa xiriirka Lasse Sandaker-Nielsen ee Norwegian oo u waramayey Nettavisen.

Khadkan cusub oo la sheegay in la saari doono diyaarad wanaagsan oo nuuceedu yahay «Boeing 737 MAX 8» ayey shirkaddu sheegtay inay u bilaabayso iyadoo ay jireen dad badan oo doonayey inay ku safraan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here