Home Wararka Caalamka Dhulgariir xooggan oo ku dhuftay Giriigga, Qubrus, Turkiga, iyo Dalka Masar

Dhulgariir xooggan oo ku dhuftay Giriigga, Qubrus, Turkiga, iyo Dalka Masar

0

Dhulgariir xooggan ayaa ku dhuftay dhowr jasiiradood oo ku yaalla Giriigga iyo gobollo kale oo ku yaalla bariga Mediterranean -ka, oo ay ku jiraan koonfurta Antalya ee Turkiga iyo sidoo kale magaalooyin ku yaalla Masar.

Dhulgariirka ayaa laga dareemay jasiiradaha Karpathos, Crete, Santorini iyo Rhodes ee Giriiga Isniintii.

“Runtii waxaan dareemay in uu socdo 30 ilbiriqsi ah,” goobjooge ku sugan Lindos, ayaa sidaasi sheegay

Cabirka dhulgariirka ayaa lagu qiyaasay 6 isagoo quto ahaan gaaryay 37.8km (23.5 mayl) oo ay samaysay sahanka dhulka ee Maraykanka.

Waxay sidoo kale gilgishay caasimadda Qubrus Nicosia, Beirut ee Lubnaan, Qaahira iyo magaalooyin kale oo Masar ah, qaybo ka mid ah Israa’iil iyo Dhulka Falastiin, iyo gobolka ku xeeran koonfurta Antalya ee Turkiga, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here