Home Wararka Caalamka Dhoor Xubnood oo iska Casilay Xilkooda markii Trump uu shaqada ka eryay...

Dhoor Xubnood oo iska Casilay Xilkooda markii Trump uu shaqada ka eryay Taliyaha Difaaca

0
President Donald Trump speaks from the Oval Office of the White House as he gives a prime-time address about border security Tuesday, Jan. 8, 2018, in Washington. (Carlos Barria/Pool Photo via AP)

Pentagon-ka ayaa ku dhawaaqay is-casilaad isdaba joog ah Talaadadii, maalin ka dib markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray xil ka qaadistiisa Xoghayaha Difaaca Mark Esper, sida ay ku warantay wakaaladda Anadolu Agency.

Ku-simaha Xoghayaha Difaaca ee Siyaasadda Dr. James Anderson, Kaaliyaha Xoghayaha Difaaca ee Sirdoonka iyo Amniga Mr. Joseph Kernan iyo Madaxa Shaqaalaha ee Xoghayaha Difaaca Jen Stewart waxay gudbiyeen waraaqo iscasilaad ah, ”ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay.

Saddexda shaqsi waxay si dhakhso leh ugu dhawaaqeen iscasilaadooda. 

“Waxaan rabaa inaan u mahadceliyo Dr. Anderson, Admiral Kernan, iyo Jen Stewart shaqadooda ay u qabteen qaranka iyo waaxda,” ayuu yiri ku simaha xoghayaha difaaca Christopher Miller.

“Xirfadooda shaqo, mid waliba wuxuu wax weyn ku soo kordhiyay difaaca qaranka iyo mustaqbalka waaxda gaashaandhiga. Waxaan u rajeynaynaa sida ugu wanaagsan mustaqbalkooda xiga,” ayuu raaciyay 

Sida lagu sheegay bayaanka, Anthony Tata, Ezra Cohen-Watnick iyo Kash Patel ayaa loo dallacsiiyay kaalimaha.

Trump ayaa Isniintii sheegay inuu “joojiyay” Esper kuna badalay Miller, oo ahaa agaasimaha Xarunta Qaranka ee La-dagaallanka Argagixisada. 

Miller, oo ahaa sarkaal hore oo ka tirsanaa ciidamada gaarka ah ee xoogga, ayaa hadda ah qofkii shanaad ee hoggaamiya Waaxda Difaaca muddadii afarta sano ku dhow ee maamulka Trump.

Go’aanka Trump uu xilka uga qaaday Esper wuxuu yimid labo maalmood un kadib markii la saadaalinayay inuu sanadkaan guuldaro kala kulmayo Aqalka Cad ninka la tartamaya ee Joe Biden, oo hada ah madaxweynaha la doortay

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here