Home Wararka Maanta Dhimashada Coronvirus ee Sweden oo sii korortay Caasimada Stockholm oo ugu badan...

Dhimashada Coronvirus ee Sweden oo sii korortay Caasimada Stockholm oo ugu badan Xanuunka Convid 19

0

Sida Caadiga aheyd Hay’ada Caafimaadka Dadweynaha ayaa soo bandhigtay Xaalada Corona ee Wadanka waxana lagu cadeeyay warbixinta maanta in uusan jirin wax isbadal ah marka la eego sida xanuunka ugu sii faafayo wadanka.

Caasimada Stockholm ayaa noqotay goobta ugu badan ee laga helo kiisaska ugu danbeeyay halka dhimashada ugu badan tahay sida tirakoobka hay’ada uu muujinayo.

Dhimashada Sweden ee Corona ayaa mareyso 2021 Qof halka inta uu xanuunka uu ku dhacay ay gaartay 16,755 Qof waxaa intaasi sii dheer 1 217 Qof oo ku jiray qeybta deg deg ah kuwaasi oo xanuunka laga daweeyay.

Wallensten oo ka tirsan Hay’ada Caafimaadka dadweynaha ayaa warbaahinta u sheegtay sidan ” Stockholm waa goobta ugu badan ee kiisaska ugu badan laga helay waqtiga ugu badan waxay aheyd 8 april” iyadoo hadalkeeda sii wadato ayay sheegtay in ay jireen qaladaad dhanka tirakoobka ah kuwaasi oo la helay kadibna dib loo saxay.

ugu dabneyn Xaalada Corona ee Wadanka ayaa ah mid xaniban waxana xiran goobaha ugu muhiimsan ee wadanka iyadoo la filayo in xanibaada ay sii socoto ilaa dhamaadka xagaaga.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here