Tirada dhimashada Corona ee Iswiidhan waxay kor u dhaaftay 7000. Tani ayaa timid kadib markii 35 qof oo cusub oo cudurka coronavirus loo diiwaan galiyay 24-kii saac ee la soo dhaafay .
Waxay muujineysaa tirooyinka maanta ka soo baxay Hay’adda Caafimaadka Dadweynaha, sida uu qoray SVT .
Isugeyn, 7,007 qof ayaa laga diiwaan geliyay in ay ku dhinteen dalka Iswiidan tan iyo markii uu faafay cudurka.
24-kii saac ee la soo dhaafay , in ka badan 6,485 qof ayaa laga baaray fayraska, taas oo wadarta guud ee infekshannada ka dhigaysa 272,643 qof oo uu ku dhacay Corona.
Wararka kale ee Maanta
AD