Home Wararka Caalamka Dhacdo fool xun oo ka dhacday Magaalada Bristol ee Dalka Ingariiska 13...

Dhacdo fool xun oo ka dhacday Magaalada Bristol ee Dalka Ingariiska 13 dhalinyaro Somali ah oo ka danbeesay

0

13 wiil oo wada Soomaali ah ayaa lagu helay dembi tacaddi jinsi ah oo ay kula kacayeen hablo yar yar oo dagan Magaalada Bristol oo ay qaarkood aad u yar yihiin ilaa 13-jir.

Dembi-baarista Bristol oo arrintan gacanta kula jirta ayaa sidoo kale baadi goobaysa 49 kale oo la tuhunsan yahay.

Dhibanayaasha, oo ay qaarkood gacanta ku hayso Dowladda Hoose, ayaa la isu dhiidhiibey, iyada oo lacag lagu soo xero gelinayo, waxaana lagula tacadiyey meel kasta min guri, hoteel iyo xitaa beeraha lagu nasto.

Mid ka mid ah hablaha waxaa la kufsaday iyada oo 13  jir ah, waxaana habeen qura u galmooday 13 nin oo kala duwan, oo uu ku jiro nin iska socdey, waxayna baqdin ka qabtey inay halis geleeyso haddii ay Booliiska u dacwooto.

Gabar kale, waxaa lagula kacay dhiig miirad jinsi, kaddib markii ay Dowladda Hoose dayacday iyada oo la dejiyey guri ku yaalla bannaanka  Bristol iyada oo 16-jir ah, balse uusan garaadkeedu ka waynayn 3 sano jir.

Isla markii ay timidba waxaa arkay qolyaha daroogada iibiya oo markiiba gurigeeda ka dhigtay xarun ay ka howlgalaan, waxayna ku khasbeen dhillaysi, iyadoo uu tacaddigu soconayey muddo bilo ah, xitaa kaddib markii ay Dowladda Hoose u sheegtay waxa socda; waxaa xitaa isla gurigeeda lagu kufsaday gabar 14-jir ah oo iyada la dhalatay oo mar soo booqatay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here