Home Wararka Denmark Denmark oo Xuduuda u furtay Germany iyo Dad qaas ah oo loo...

Denmark oo Xuduuda u furtay Germany iyo Dad qaas ah oo loo ogolaaday

0

Dowlada Denmark ayaa xuduudeeda u furtay Wadanka Germany sida ay isku raaceen Dowlada iyo Xisbiyada kale ee qeybta ka ah Dowlada kadib heshiis dhacay lakin Nuuca dadka loo ogolaaday soo galintaanka Xuduudaha ayaa ah Dalxiisayaasha qaasatan kuwa heesta cadeymaha kirooyinka guryaha wadanka Germalka sida ay TV-ga ka sheegtay Mette Frederiksen.

Rai’isul wasaaraha Denmark Haweeneyda lagu magacaabo Mette Frederiksen ayaa sheegtay in go’anka dowlada ay tahay fursad dalxiisayaasha ku imaan karaan wadanka isla markana dad badan ka helikaraan shaqooyin iyadoo intaasi ku dartay in dadka soo galaya wadanka ay noqdaan kuwa aanan qabin wax corona ah.

ugu danbeyn ayay shacabka Denmark ugu baaqday ilaalinta Sharciyada wadanka ee Corona sida isku jirka fogaanta labada qof oo kamid ah waxyaabaha ugu muhiimsan.

Morten Østergaard oo kamid ah Hogaamiyaasha Xagjirka ee Denmark ayaa soo dhaweeyay talaabada Dowlada u qaaday dhanka Xaduuda lakin waxa uu sheegay in wali dowlada ay wado gabaabsi xoogan.

go’anka dowlada Denmarka ayaa jawaab ah hadal shalay kasoo yeeray Dowlada Germalka ee ahaa in ay 15 may fureyso xaduuda Denmark iyo wado kale sida France iyo Austria.

Somaliska Copenhegan

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here