Home Wararka Denmark Denmark oo soo saartay Taariikh-da la furayo Safarada Dibada

Denmark oo soo saartay Taariikh-da la furayo Safarada Dibada

0
Photo: Mads Claus Rasmussen / Ritzau Scanpix / NTB

Dowladda Denmark, oo ay weheliso xisbiyada mucaaradka, ayaa isku raacay in si tartiib tartiib ah loogu furo safarada badan.

Qorshaha dib u furista waxaa loo qeybiyay shan waji sababo la xiriira habka talaalka iyo halista noocyada virus-ka, ayay dowlada ku sheegtay boggeeda.

Laga bilaabo Abriil 21, adduunka oo dhan mar dambe looma tixgelin doono “casaan,” taas beddelkeedana, deenishku waa inay la macaamilaan waddammada iyo gobollada “jaalle,” “oranji”, “ama casaan-ka ” heerka digniinta nuuc walbo.

Laga bilaabo 1da Maajo, dadka si buuxda loo tallaalay gaar ahaan waddamada ku jira EU iyo aagga Schengen oo leh heerar infakshan hooseeya, oo ay ku jiraan dalxiisayaashu, waxay awoodi doonaan inay soo galaan Danmark iyaga oo aan muujin tijaabada Corona ama aan maridoonin karantiil.

Furitaan dheeraad ah ayaa dhici doona 14-ka Maajo, marka qof kasta oo ka weyn da’da 50 ay helaan tallaalka ugu horreeya . Wejiga ugu dambeeya wuxuu imaan doonaa dhammaadka Juun marka la filayo in la soo bandhigo baasaboorka tallaalka EU.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here