Home News in English Denmark oo bilowday in ay Sharciyada ka ceshato Somalida heesta Sharciga Deganaanshaha.

Denmark oo bilowday in ay Sharciyada ka ceshato Somalida heesta Sharciga Deganaanshaha.

0

Xaalada Denmark ayaa sii xumaaneyso marba marka ka danbeeyo waxana dadka somalida ee dalka ku nool laga ceshtay sharciyada deganaanshaha ay heestaan.

Arinta qaxootiga ayaana soo bilaabatay kadib markii Qaxootiga badankooda ee iska dhiibay dalka la siiyay diidmo isla markana lagu xareeyay kaamam xiran ee loo yaqaano (ukket lejr )

Dadka Qaxootiga ee loo diiday sharciga isla markana lagu xareeyay kaamamka xiran ayaa badankooda iskaga baxsaday dalka waxana ay iska dhiibeen wadamada kale ee yurub.

Dowlada Denmarka ayaana qorsheheeda ku soo wareejisay dadka heesta sharciga kuwaasi oo la bilaabay in markale loogu yeero wareysi ku aadan dacwadooda waxana wareysi kadib loo soo tuuray diidmo iyo in ay ka baxaan wadanka.

Dadka loo diiday sharciga waxaa kamid ah dad heesta sharciga deganaanshaha dalka kuwaasi oo heesto shaqo isla markana ku nool dalka mudo dheer.

Arinta ugu hadal heynta badan Somalida Denmark.

Arinta hada loogu hadal heynta badan yahay ayaa ah qoys somali ah oo ka kooban 7 caruur ah iyo Aabe iyo Hooyadood kuwaasi oo lagu qasbay in ay noloshooda kala gooyaan.

Hooyo dhashay Caruurta ayaa loo sheegay in Aabaha iyo 6 caruur ah oo uu dhalay dib loogu celinayo Somaliya halka iyada iyo mid kamid ah caruurta ay dalka joogayaan.

Qaar kamid ah Caruurta la celinayo

8 Bisha soo socota ayaa loo qabtay maalinta u danbeysa in aabaha uu dalka ka baxo waxana laga jartay lacagta caawinta uu qaadan jiray halka caruurta loo diiday iskuulka ay dhigan jireen kadib markii iskuulka lagu wargaliyay arintaasi.

arintaasi ayaa ka dhacay magaalada Odder ee Wadanka Denmarka halkaasi oo somalida badankooda laga ceshtay sharciga halka kuwa kale ay ku jiraan xaalad cabsi ah.

Waxaa socta Qaban qaabada banaanbaxyo lagu qabanayo Wadanka Denmark gaar ahaan magaaladaasi si loo muujiyo dhibaatada lagu hayo somalida.

Lasoco Wararka ku soo kordha Xaalada Denmark ee Qaxootiga

Somaliska Denmark

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here