Home News in English Denmark oo baaritaan Sharciyada leesku waydiinayo ka bilowday Xuduuda ay la wadaagto...

Denmark oo baaritaan Sharciyada leesku waydiinayo ka bilowday Xuduuda ay la wadaagto Sweden

0

Danmark ayaa maanta bilaabaysaa adkeynta xuduuda ay la leedahay Sweden. Dadka ka safraya Iswidhan ilaa Danmark ayaa looga baahanyahay baasaboorkooda.

Bilayska xuduudaha Denmark ayaa baari doona doomaha, tareennada iyo gawaarida. Laakiin ma jiri doono baaritaan maalin walba. Kaliya dhawr jeer isbuucii. Qof kasta oo muwaadin u dhashay Wadamada Waqooyiga ayaa tusi kara laysankiisa darawalnimada haddii ay leeyihiin. Kuwa kale waa inay tusaan baasabooradooda.

Danmark ayaa tan u sameyneysa in ay ka hor istaagaan dambiilayaasha kasoo gudba dhanka Sweden. Dowlada Denmark ayaa ka walwalsan in kooxaha gaangiska ee iswiidhishka ay dambiyo ka galaan Danmark. Dawladda Denmark ayaa aaminsan, in kantaroolka xuduudaha uu joojin karo dambiilayaasha.

Dad badan ayaa ku safra inta u dhexeysa Danmark iyo Iswidhan maalin kasta. Gaar ahaan inta u dhaxaysa Malmö iyo Kobanheegan. Waxay ku nool yihiin hal magaalo waxayna ka shaqeeyaan magaalada kale. Dad badan ayaa ka walaacsan inay dib u dhacaan hadda marka ay jiraan koontarool dheeraad ah oo ka dhaca xuduuda. Laakiin Danmark ayaa sheegtay, in tareenada iyo doomaha la raacayo aan dib loo dhigin.

Somaliska Copenhagen

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here