Qaar ka mid ah dumarka Soomaalida Denmark, ayaa la sheegay ineey qabeen xaflad ay ugu dabaal dagayeen urur ay leeyihiin sanad guuradiisa.
Telefeyshinka dalkaas ayaa weriye ka tirsan joogay goobta. Waxaana barnaamij uu ka diyaariyey warbixin ku saabsan kulankaas oo uu sheegay in haweenkii halkaasi iskugu yimid intooda badankooda ay joogeen dalkaasi ku dhawaad labbaatan sanno. Balse uu farta ku fiiqay in eysan garaneyn afka deenish-ka ama eeysan baran iska daa jaamacado ay aadaane.
Dhacdadan ayaa hadda noqotay mida loogu hadal heyn badan yahay baraha bulshadda. Loona arko ceeb dad muddo intaas la eg dalka joogay oo loo tarjumayo afka.
Wararka kale ee Maanta
AD