Home Wararka Maanta Degmada Farsta strand ee Stockholm oo lagu toogtay labo qof habeenka xalay

Degmada Farsta strand ee Stockholm oo lagu toogtay labo qof habeenka xalay

0

Wararka laga helayo Degmada Farsta strand ee Koonfurta Caasimada Stockholm ayaa sheegaya in halkaasi lagu toogtay labo qof.

Qof 40 sano jir ah ayaa la toogtay isagoo u dhintay dhaawaca soo gaaray waxaa sidoo kale jira Wiil dhalinyaro ah oo 15 sano jir ah kaasi oo dhaawac ah xiligan.

Booliska oo ka hadlay labada toogasho ayaa sheegay in ilaa hada aysan qofna u soo qaban falkan.

wax yar kadib waxaa jira toogasho kale oo ka dhacday Högdalen oo aan sidaasi uga fogeen Farsta Strand isla maalinta isniinta waxaa jira toogasho ka dhacday Farsta strand.

Booliska Sweden ayaana wada baaritaan ku aadan falalkan ka dhacaya nawaaxigaasi.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here