Home Wararka Caalamka Da’yar 15 Sano jir oo lagu eedeeyay Hooyo lagu dilay Uppsala

Da’yar 15 Sano jir oo lagu eedeeyay Hooyo lagu dilay Uppsala

0
Foto: Johan Nilsson / TT

Shan qof ayaa lagu soo oogay inay ku lug lahaayeen dilka Hooyada dhashay Ismaaciil Cabdoodayrtii hore.

Nin 19 jir ah iyo wiil 15 jir ah ayaa looga shakisan yahay inay haweeneyda 58 jirka ah ku toogteen gurigeeda oo ku yaala Gränby ee Uppsala, habeenimadii 7-dii September ee sanadkii hore.

– Sababta keli ah ee dilka, ayaa baadhitaanku ku ogaaday, in Haweeneyda ay xidhiidh la leedahay hoggaamiye sare oo ka tirsan shabakadda dembiilayaasha.

Booliska ayaa ka cabsi qaba in ay dhacaan falal aargoosi ah kadib markii maanta la soo bandhigay eedda. Andreas Pallinder, oo ah madaxa baarista booliiska Uppsala, ayaa sheegay in aanan dammaanad qaadi karin badbaadada dhammaan bartilmaameedyada suurtagalka ah.

Marka laga soo tago tuhmanayaasha ugu waaweyn, 29-sano jir ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu gacan ka geystay dil. Haweeney 23 jir ah ayaa looga shakisan yahay in ay gashay dambiyo hub oo halis ah kadib markii ay labo bastoolado ka soo qaaday magaalada Göteborg, una soo qaaday Stockholm maalin ka hor dilka, nin 21 jir ah ayaa isna lagu eedeeyay dambiyo hub culus ah. Sida uu sheegay xeer ilaaliyuhu, labada danbe ma aysan ogeyn qorshaha dilka.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here