Home News in English Darawalada Tareenada Sweden oo diiday Kaxeynta Tareenada lagu Xardhay Xayeysiista SD

Darawalada Tareenada Sweden oo diiday Kaxeynta Tareenada lagu Xardhay Xayeysiista SD

0

Dhoor Darawalo ayaa diiday inay kaxeeyaan Tareenada mara dhulka hoostiisa sabab la xiriira in lagu dhajiyay Xayeysiin ku aadan Xisbiga SD.

Darawalada qaarkood ayaa sheegay in ay sabab amaan oo dartooda ah ay u joojiyeen wadista Tareenada halka kuwa kale ay kasoo horjeesteen xisbiga iyo hadalada adag uu jeediyo.

Xisbiga SD ama Sveriegedemokraterna ayaa ah xisbiga lagu tilmaamo cunsuri kaasi oo goobo fagaaro ah ka jeediyay hadalo adag oo kasoo horjeeda dadka ajaanibta ee dalka ku nool.

Xisbiga ayaa sidoo kale aad uga soo horjeeda siyaasada dowlada ay ku wajaheyso dadka iska dhiibaya dalka.

Sanadihii u danbeeyay ayuu taageero ku yeeshay dalka waxana ugu wacan Qaxootiga tirada badan ee dalka iska soo dhiibay isagoo noqday xisbiga Saddexaad ee ugu taageero badan Sweden

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here