Darawalada basaska oo diiday in ay faafiyaan xayaysiinta SD

7

Xisbiga cunsuriga ah ee Sverigedemokraterna (SD) ayaa bilaabaya olole ay xayeysiin ku samaynayaan basaska dadweynaha ee dhowr magaalo oo ay ku jidho Stockholm. Xayaysiinta ayaa lagu qori doonaa basaska oo ay inta badan wadaan dad soo galooti ah.

Arintaas ayaa dhalisay in qaar ka mid ah wadayaasha basaska ay diidaan in ay kexeeyaan basaska ay ku dhagantahay xayaysiinta SD. Qaar ka mid ah darawalada basaska ayaa wargeyska ETC u sheegay in aysan magaalada la wareegi doonin xayeysiinta SD.

“Waxaan ku fikirayaa in aan iraahdo Maya. Kuma fariisanayo bas nuucaas ah mana wadayo. Anigu waxaan ahay soo galooti, mana doonayo in aan magaalada la wareego fariinta nuucaas ah. Laakiin waxay noqonaysaa shaqo diid oo arintu waa mid u taala ururada shaqaalaha” ayay tiri Perihan Aydin oo ka mid ah wadayaasha basaska Stockholm.

Qaar badan oo ka mid ah wadayaasha basaska ayaa ka careysan in shirkada Keolis iyo SL ay aqbaleen in SD ay ku samayso xayeysiin basaska ay wadaan. SD ayaa la ogyahay in guud ahaan siyaasadooda ay ku dhisantahay naceybka soo galootiga, iyadoo ay noqonayso arin xun in adiga oo soo galooti ah aad xayeysiintooda faafiso.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here