Home Wararka Caalamka Darawal Somali ah oo xaaskiisa ku dilay UK oo danbigaasi lagu helay

Darawal Somali ah oo xaaskiisa ku dilay UK oo danbigaasi lagu helay

0
Photo/By Anthony France@NewsFrenchTo

Darawal bas oo xaaskiisa ku dilay weerar naxariis daro ah ka hor inta uusan sheegan inay ku hanjabtay inay guriga ka sareyso madama uu qabo Corona.

Hussein Cigaal, oo ah 66 jir, wuxuu adeegsaday alaabooyin kala duwan oo guriga ah oo ay ka mid yihiin lugta miiska iyo salaanka intii uu ku guda jiray weerarka uu ku qaaday Maryan Ismaaciil oo 57 jir ah waxana maxkamada ay ku heshay Husein in uu falkaasi geestay.

Wuxuu qirtay inuu dilka ka fuliyay Edmonton, waqooyiga London, intii lagu gudajiray xiritaanka horaantii bishii Abriil ee sanadkii hore laakiin wuxuu beeniyay inuu dil ahaa.

Xeerbeegti ka hawlgasha Old Bailey ayaa qaadatay laba saacadood oo keliya inay ku hesho dambi Arbacadii.

Intii ay maxkamaddu socotay, dacwad oogaha Allison Hunter QC wuxuu yiri “wuxuu ahaa weerar arxan-darro ah, waalan, oo joogto ah”.

Waxay sheegtay inuu adeegsaday dubbe, mindi ama mindiyo, dheryo iyo digsiyo, miis lugtiisa iyo jaranjaro si isdaba joog ah uga dhacday dhabarka, xabadka, lugaha iyo madaxa.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here