Home Wararka Maanta Daraasad ” Dadka Dakhligooda hooseeyo waxay u dhintaan Xanuunka Corona ”

Daraasad ” Dadka Dakhligooda hooseeyo waxay u dhintaan Xanuunka Corona ”

0
Photo Fredrik Sandberg / TT

Daraasad dhawaan lasoo saaray ayaa lagu sheegay in dadka dakhligooda hooseeyo isla markana ku nool goobaha danta yar ay halis ugu jiraan dhimashada Xanuunka marka loo eego dadka kale ee ku nool goobaha kale ama hela dakhli ku filan.

Warbixinta waxaa soo saaray xaruunta Cudurada faafa iyo Dawooyinka ee Magaalada Stockholm waxana warbixinta ay sidoo kale muujineysa in dadka uu soo galo Dakhliga hoose ay afar laab ka badanyihiin dad kale halista Cudur Corona.

Anton Luger oo warbixinta lasoo saaray madax ka ah ayaa sheegay in farqi weyn u dhaxeeyo labada koox marka ay timaado dhanka dakhliga soo galo.

Warbixintan ayaa la bilaabay bishii July iyadoo ay ka qeyb galeen bulshooyin kala duwan oo ku nool Dalka Sweden gaar ahaan gobolada Dalka.

Anna Sarky oo bare sare ka ah Jaamacada Uppsala ayaa sheegay in warbixinta ay caawineyso dad badan oo sabool ah.

Somaliska Stockkholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here