Home Wararka Denmark Dalalka Yurub 5 kamid ah oo qeebsaday Tahriibyaal saaran Markab oo loo...

Dalalka Yurub 5 kamid ah oo qeebsaday Tahriibyaal saaran Markab oo loo diiday in ay galaan Dalka Taliyaaniga.

0

Shan dal oo ka tirsan Midowga Yurub ayaa sheegay inay qaabili doonaan 47 Tahriibayaal ah oo bada laga soo badbaadiyey kuwaasi oo ay diiday inay qaabisho dowlada Talyaaniga.

Talyaaniga ayaa u diiday in uu dalkooda kusoo xirto markabka soo badbaadshay Tahriibayaashan oo lagu magacaabo Sea-Watch3 kaasi oo hada ku sugan biyaha jasiirada Sicily.

Markabkan oo ay leedahay Hay’ad NGO ah oo fadhigeedu yahay Germany ayaa sita calanka dalka Holland, waxayna Talyaaniga horey uga codsadeen in Holland ay qaabisho dadkaasi dul saaran Markabka 11kii maalmood ee lasoo dhaafay. Codsigaasi oo ay ku gacanseyrtay dowlada Holland.

Heshiisyada Caalamiga ah ayaa qoraya in dadka bada laga soo badbaadiyo la geeyo dalka ugu dhaw.

Raysalwasaaraha Italy ayaa sheegay in ay dhowr dal sheegeen inay qaabili doonaan dadkaasi qaxootiga waxaana wadamadaasi kamid ah Germany, France, Malta, Portugal, Romania iyo Luxemburg.

Somaliska Italy

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here