Home Wararka Caalamka Dalalka Mareykanka iyo Canada oo ka hortagay diyaaraddaha Ruushka iyo Shiinaha oo...

Dalalka Mareykanka iyo Canada oo ka hortagay diyaaraddaha Ruushka iyo Shiinaha oo dul maray hawada Alaska

0

Taliska Difaaca Cirka ee Waqooyiga Ameerika ayaa ka hortagay laba diyaaradood oo Ruush ah iyo laba Shiinees ah oo ku duulayay meel u dhow gobalka Alaska ee Mareykanka Arbacadii, iyadoo sarkaal ka tirsan difaaca Mareykanka uu sheegay inay tahay markii ugu horreysay oo labada dal si wadajir ah diyaaradahooda ugu soo diraan.

Diyaaradahan wax duqeeya ee Ruushka iyo Shiinaha ayaa maray hawada caalamiga ah ee Aagga Aqoonsiga Difaaca Cirka ee Alaska (ADIZ), sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Taliska NORAD.

Waa markii ugu horeysay oo diyaaraddaha Shiinaha lagu arko hawada nawaaxiga Mareykanka iyo Kanada.

Dhaq dhaqaaqa Shiinaha iyo Ruushka ayaa imaanaya xili ay sare usii kaceyso xiisada u dhaxeysa dalalkaasi iyo Mareykanka ee ku aadan dhinaca badda Bering iyo bad-weynta Pacific-ga.

Taliska NORAD oo ah mid ay si wadajir ah u leeyihiin dalalka Mareykanka iyo Canada, ayaa diyaaradahooda dagaalka u diray inay ka hortagaan diyaaradaha Ruushka ee TU-95 Bear iyo kuwa Shiineeska ee loo yaqaan H-6. Diyaaraddahan ma aysan gelin hawada Mareykanka ama Kanada, ayuu yiri Taliska NORAD.

Maanta oo Khamiis ah, Wasaaradda Difaaca Shiinaha ayaa sheegtay in ciidamada cirka ee Shiinaha iyo Ruushka ay abaabuleen “iskaashiga ilaalinta istaraatiijiyadeed ee wadajirka ah ee hawada sare ee badda” taasoo qayb ka ah qorshaha iskaashiga sanadlaha ah ee ka dhexeeya labada militari.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here