Home Wararka Caalamka Dadweynaha Yurub badankooda oo kasoo horjeestay Sharciga ilmaha leeskaga soo rido

Dadweynaha Yurub badankooda oo kasoo horjeestay Sharciga ilmaha leeskaga soo rido

0

Kumanaan kun oo dadka u ololeeya ka hortaga ilmo soo ridka ayaa isugu soo baxay jidadka dalka oo dhan Dalka Argantin si ay uga mudaaharaadaan sharci cusub oo sharciyeysanaya soo rididda. Hindise sharciyeedka waxaa taageeray madaxweyne Alberto Fernandez iyadoo sidoo kale ay jiraan wadamo badan oo sidaasi oo kale looga soo horjeedo sharciga.

Kumanaan kun oo dad ah ayaa ku qabtay guud ahaan dalka Argentina banaanbaxyo looga soo horjeedo sharci cusub oo ay taageerto dowladda oo sharciyenaya soo rididda.

Dibadbaxayaasha ayaa la arkayay iyaga oo jidadka isugu soo baxay Sabtidii iyaga oo wata calanka Argentine iyo cimaamado cirka-buluug ah oo astaan ​​u ah kuwa ka soo horjeedka soo rididda ilmaha. Waxay sidoo kale siteen boorar ay ku qornaayeen halku dhigyo ay ka mid yihiin “Badbaadi Labada Nolol!” iyo “adeeg loogu talagalay Ilmaha aan Dhalan.”

Mudaaharaadkan oo ay ku baaqeen ilaa 150 ururrada bulshada rayidka ah, waxaa sidoo kale taageeray kooxaha Katooliga.

Kooxdii ugu badneyd ayaa ka abaabushay magaalada caasimada ah ee Buenos Aires, ka hor inta aan la gaarin Qasriga Golaha Qaranka ee Argentine, halkaas oo la filayo in doodda sharciga ay ka bilaabato usbuuca soo socda.

Somaliska Oslo

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here