Home Wararka Caalamka Dadka Magaalada Stockholm oo laga Codsanayo inay joogaan Guryaha

Dadka Magaalada Stockholm oo laga Codsanayo inay joogaan Guryaha

0

Magaalada Stockholm waxaa ka jira jahawareer dhanka gaadiidka ah oo ka dhashay baraf xooggan. Dadka waxaa laga codsanayaa inay guriga joogaan.

Barafka da’ay ayaa sababay in gebi ahaanba ay istaagaan tiro ka mid ah khadadka tareenada, waxaana inta badan basaska ay joojiyeen safarada.

Booliisku waxay ku booriyeen qof kasta oo awood u leh, inuu guriga joogo maanta oo Isniin ah sida uu qoray Expressen .

Cilad tikniko ah ayaa keentay in gabi ahaanba hawada laga saaro baakinka tareenka ee SJ ee magaalada Stockholm, mana jirin wax saadaal ah subaxnimadii isniinta goorta ay korontadu soo noqon doonto.

Tareenadii ka bixi lahaa Stockholm ayaa la joojiyay ama dib loo dhigay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here