Home Wararka Caalamka Dad Badan in laga celiyo Sharciga Degaanshaha Rasmiga ayay aheyd ” Helena...

Dad Badan in laga celiyo Sharciga Degaanshaha Rasmiga ayay aheyd ” Helena Lindberg”

0
Photo: Anders Wiklund/TT

Kumanaan kiis ayaa hey’adda laanta socdaalku aysan kala noqonin sharciga degenaanshaha dadka aan loo ogolayn in ay Sweden sii joogaan, sida uu sheegay hanti dhowrka guud ee qaranka.

Dib u eegista ayaa muujineysa in ku dhawaad 9,000 oo qof ay weli heystaan sharciyadooda degenaanshada joogtada ah in kastoo ay ka guureen dalka. Taasi waxay keentay in gunnada la siiyo dadka ka tagay Iswiidhan. Waxana lagu qayaasay ilaa 430 milyan karoon inta u dhaxaysa 2013 iyo 2020.

Marka laga soo tago hey’adda laanta socdaalka waxaa mas’uul ka ah dowladda hadda jirta iyo tii hore, sida uu sheegay hanti dhowrka qaranka.

– Dhaliilaha” iyadoo dowladda iyo Hay’adda laanta socdaalku aanay si ku filan arrintan u kala hormarin. Waxay si xun ula socotaa waajibaadka sharciga ah ee maamulka, ayay tiri hanti-dhowrka guud Helena Lindberg oo war-saxaafadeed soo saartay.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here