Home News in English Daawo: Germalka oo Sharci Siinaya Dadka diidmada Heesta

Daawo: Germalka oo Sharci Siinaya Dadka diidmada Heesta

0

Dowlada Germalka ayaa soo saartay sharci Cusub kaasi oo sharciga Deganaanshaha lagu siinayo Dadka heesta Diidmada mudada dheer.

Dowlada Germalka ayaa dhawaan heshay Xukuumad Cusub waxana Dowlada cusub oo Xisbiyo dhoor ah ku jiraan bilowday Siyaasad lagu caawinyo dadka diidmada heesta ee dalka ku sugan.

Sharcigan oo hada Dowlada soo saartay ayaa fursad siinaya Qofka Diidmada ka heesta wadanka isagoo helaya sharci Hal sano

Sharuudo gaar ah ayaa jira si qofka loo siiyo Sharciga Cusub waxana kamid ah uusan Dalka Germalka ka galin wax dambi ah.

Qofka Sharciga la siinayo waa inuu Dalka joogay Shan Sano ka har laga bilaabo kowda bisha january ee sanadka 2022.

Dowlada Germalka ayaa sidoo kale dhawaan Qaxooti badan kasoo qaadatay dalka Giriiga halkaasi oo Caruur iyo Qoysas badan ay ku Xanibanyihiin iyagoo aan awoodin inay soo gaaraan Yurub inteeda kale.

Wasiirka Arimaha Dibada Heiko Maas ayaa soo dhawaayay tilaabada Dowlada ku caawineyso Qaxootiga.

Dadka Germalka ku nool ee heesta diidmada ayaa lagu qayaasaa 220 kun oo Qaxooti ah waxana ku adag nolosha wadanka sida shaqooyinka iyo waxbarashada.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here