Home News in English Ciidamada Ukraine oo dib u riixay kuwa Ruushka ee ku dhawaa Caasimada...

Ciidamada Ukraine oo dib u riixay kuwa Ruushka ee ku dhawaa Caasimada Kiev

0
Photo/REUTERS/Valentyn Ogirenko

Ciidamada Ukraine ayaa Arbacadii ku guuleystay inay dib u riixaan Ciidanka Ruushka ee ku soo dhawaaday degmooyinka ku xeeran caasimadda Kyiv, sida uu sheegay duqa magaalada.

Duqa magaalada Vitali Klitschko ayaa Arbacadii sheegay in dagaallo ay ka socdaan xaafadaha waqooyiga iyo bari ee caasimadda, ciidamada Ukrainena ay dib u qabsadeen dhowr meelood oo ciidamada Ruushka ay la wareegeen.

-Bartilmaameedka kooxaha weerarka geystay waa caasimadda Ukraine sababtoo ah magaaladu waa wadnaha dalka.

Waxa uu sheegay sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Reuters in hal qof uu ku dhintay labana ay ku dhaawacmeen weerar bambaano oo horraantii Arbacada ahayd.

Muuqaal guud oo maamulka Kyiv ay isku dayayaan in ay xog ku helaan ayaa muujineysa in 264 qof oo rayid ah oo ay ku jiraan afar carruur ah lagu dilay caasimadda tan iyo markii uu dagaalka billowday 24-kii Febraayo.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here