Korodhka xooggan ayaa la macno ah in Ruushku uu kala wareegay Sucuudiga oo ah dalka Shiinaha ugu badan ee shidaalka keena, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters .
Korodhkan ayaa ku soo beegmaya xili wadamada reer galbeedku ay soo saareen mamnuucida saliida Ruushka ee laga soo dhoofiyo dalka Ukrain. Tirakoobkan cusub ayaa tilmaamaya in Ruushku wali awood u leeyahay inuu iibiyo shidaalkiisa.
Ruushka ayaa saliidda u dhoofiya Shiinaha labadaba isaga oo sii mara dhuumaha saliidda ee mara Siberia iyo Pacific, iyo markab. Bishii Maajo, ku dhawaad 8.42 milyan oo tan oo saliid Ruush ah ayaa loo dhoofiyay Shiinaha, sida laga soo xigtay tirooyinka Shiinaha ee la sii daayay Isniintii.
Be the first to comment