Home Wararka Maanta Caruurta ugu horeysay ee Kooxda daacish oo Sweden lagu soo dhaweeyay

Caruurta ugu horeysay ee Kooxda daacish oo Sweden lagu soo dhaweeyay

0

Caruurtii argagixiyihii Michael Skråmo, oo sannadkan lagu dilay Suuriya isaga oo ka garab dagaalamaya ururka argagaxisada ee Daaceesh, ayaa dhowaan ka soo degey madaarka Landvetter ee magaalda Göteborg.

Waxaa sido kale la socda awoowgood Patricio Galvez, waa sida ay sheegayso warbixin soo gaadhay laanta Ekot.

Caruurtan oo uu argagixiye Skråmo abbee u ahaa ayaa laga soo qaadey magaalada Erbil oo ku taal waqooyiga dalka Iraaq.

Weriyaha laanta Ekot Carina Holmberg oo madaarka Landvetter ku sugan ayaa sheegtay in diyaaraddii ey la socdeen caruurtan iyo awoowgood Galvez ay madaarka ka soo degtay saacadu markii ay aheeyd 10-kii subaxnimo.

Caruurtan oo ay tiradoodu tahay todoba ayaa la kulmay dil iyo xasuus aan wanaagsaneeyn muddadii ey ku dhex noolaayeen ururka argagaxisada ee Daacesh.

Waxaa hadda Iswiidhan caruurtan ku sugaya heeyadda adeegga bulshada Socialtjänsten oo baadhi doonta cidda korin doonta. Göteborg ayaa ka mid ah magaalooyinka dalkan ee ugu aqoonta wanaagsan dhanka fikirada argagaxisada.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here