Home Wararka Maanta Caruur laga qaaday Waalidka dhalay oo dhintay Booliska oo xiray Qoyska loo...

Caruur laga qaaday Waalidka dhalay oo dhintay Booliska oo xiray Qoyska loo dhiibay

0

Waxaa Xabsiga la dhigay Nin iyo Naag loo dhiibay Caruur laga qaaday Waalidka dhalay gudaha magaalada Trondheim ee Wadanka Norway.

Booliska ayaa xiray mudo afar isbuuc ah iyadoo ilaa hada aysan ka warbixin sababta loo xiray Qoyska loo dhiibay ilmo sanad ka yar kaasi oo ku dhintay isbitaalka St. Olav ee magaalada Trondheim.

Canugga, oo ka yar hal sano jir, ayaa la dhigay isbitaalka St. Isniintii, booliska ayaa bilaabay baaritaan kadib markii isbitaalka lagu wargaliyay waxana ay shaaciyeen khamiista in uu dhintay cunugaasi.

inkastoo Booliska ka warbixin dhacdadan hadaa waxay sheegeen in Qoyska loo dhiibay Canuga uu ka jiray rabshado dhanka guriga ah.

Hay’ada Caruurta u qaabilsan Norway ee barnevern ayaa Qoyska u dhiibay  Canuga oo Hal sano ka yar kadib markii ay ka qaadeen hooyada dhashay.

Sida ay ku warameyso Warbaahinta NRK Hooyada dhashay Canuga yar ayaa hada gashay Xaalad adag waxayna caawin ka heyelayaan Hay’ada Caafimaadka ee Degmada.

Qoysaska laga qaado caruurta ayaa mararka qaar dhibaato Maskixiyan kala kulma caruurtooda laga qaaday.

Somaliska Stockholm

Xigasho/NRK

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here