Home News in English Canshuurta in la dhimo oo Todobo Xisbi ay isku Raacsanyihiin Dalka Sweden

Canshuurta in la dhimo oo Todobo Xisbi ay isku Raacsanyihiin Dalka Sweden

0

SD, KD, M, C iyo L dhamaantood waxay rabaan inay hoos u dhigaan canshuurta dakhliga. MP iyo V waxay aaminsan yihiin in la dhimo oo kaliya dadka dakhligoodu yar yahay, halka kuwa dakhligoodu sarreeyo ay tahay inay bixiyaan cashuur dheeraad ah.

Dhimista canshuurta waa mid kamid ah qodobada ugu wayn doorashada iyadoo Sweden ay ku jirta wadamada ugu canshuurta badan caalamka taasi oo keentay in dad badan laga jaro canshuur aad u badan.

Dhanka kale, xisbiga Sooshal dimuqraadiga, ayaa gabi ahaanba maya ku tilmamaay in canshuur dhimis weyn loo baahan yahay, isagoo xusay in loo baahan yahay in la maalgeliyo daryeelka iyo difaaca. Sidaas waxaa qoray Aftonbladet, oo soo diyaarisay siyaasadda dhaqaalaha ee xisbiyada.

Marka la eego dulsaarka laga jaray deymaha guriyeynta, MP, V iyo KD waxay ku heshiiyaan in dib loo dhigo.

“Dib-u-habeyn ayaa loo baahan yahay si loo dhimo dhiirigelinta amaahda oo markaas la yareeyo nuglaanshaha qoysaska iyo dhaqaalaha horay u socda,” ayuu qoray KD.

C, L iyo SD, ayaa dhanka kale shaki ka qaba soo jeedinta, halka M iyo S ay dhaheen maya.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here